Posts

𝐌𝐚 𝐬𝐮𝐮𝐫𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐛𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐡𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢-𝐰𝐚𝐲𝐧 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐭𝐨?

Image
 Xoog iyo xeelad ku heli waynay himiladii aan ku taammaynay. Innagoo Garab mid ahna guushaa waa aynu gaari waynay. Ingiriiska markii uu ka carooday diidmadii ay Soomaalidu diiday wuxuu ku aarsaday inuu dhulka Soomaalida qaybiyo oo waatan uu 𝑯𝒂𝒘𝒅  ku daray Itoobiya, 𝑵𝑭𝑫-na uu siiyey Kenya. Dhawaaq Murugo culus sitay baa 5-tii Jeeniweri 1955-kii ayey Dawladda Ingiriiska magaalada 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 kaga dhawaaqday war murugo leh, Kuna saabsanaa heshiis (Agreement) ay bishii Noofambar 1954-kii la gashay Dawladda 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 oo ay ku wareejinayso dhulka 𝑯𝒂𝒘𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑹𝒆𝒔𝒆𝒓𝒗𝒆𝒅 𝑨𝒓𝒆𝒂𝒔 laga bilaabo 28-kii Feebuweri 1955-kii. Dowladda Ingiriiska waxay heshiiskaasi u cuskatay mucaahado labada Dawladood dhexmartay (Ingiriiska iyo Itoobiya) dabayaaqadii Qarnigii 19aad (1897-kii). Qarnigii 19aad dabayaaqadiisii, Dawladda Ingiriiska waxay Qabaa'ilka 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 la gashay heshiisyo ay ku balanqaadayso in ay ilaaliso iyaga iyo deegaanadoodaba ...

Biyaha Aan Dhanaanayn (Wabiyada)

Dunida waxay leedahay wabiyaal badan, wali ma iswaydiisay wabigee dunida ugu dheer? Wabiga Niil (NILE RIVER) Waa mid kamid ah wabiyada ugu muhiimsan ee mara Waqooyi Bari Afrika. Waxa uu leeyahay dhirir ah 6650-KM (4,132 Miles). Waxaa uu maraa kow iyo Toban dal oo kala ah Tanzaaniya, Yugandha, Ruwandha, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Koongo, Burundi, Kiinya, Itoobiya, Erateriya, Masar, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed. Waxa uu uqaybsamaa laba qaybood oo kala ah Niilka buluugga ah iyo Niilka cad. Goobta asalka ah ee uu kasoo bilawdo Niilka cad waxa weeye Harta wayn ee loo yaqaan Leeg Fiktooriya (Lake Victoria). Haradani waxay kutaalaa bartamaha Afrika, xuduud ahaana geesaha waxaa uga geedaaman wadamada kala ah Yugandha, Tansaaniya iyo Kiinya. Niilka cad waxa uu usii gudbaa Koonfurta Suudaan. Niilka buluugga ah wuxuu kasoo bilowdaa Harada ugu wayn Itoobiya oo ah Lake Tana deetana waxa uusoo gaaraa Suudaan. Waxa ay labada wabi ku kulmaan meel udhow Caasimada dalka Suudaan ee K...

Garab-Daaq

Dambiga ugu qotada dheer ee maskaxda aadanaha laga galo waa aaminaadda wax aan caddayn loohayn. Shan iyo Labaatan jirka aqoonyahanka ah oo ka gubanaya in la dhaliilo masuul xil hogaamineed haya Federal ama mid Maamul Goboleed kuu doona ha noqdee isaga oo aan wax qiil ama ceeb deddo u hayn rabana in uu afka qabto cid waliboo hadasha, wax lala yaabo weeyaan. Waxaase amakaag ah in uusan ahayn nin ay shaqo wadaag yihiin oo ay dhaliishu kuwada dhaceyso balse ay hal reer kasoo wada jeedaan!. Qabyaaladu un ay heerkaa gaarsiisay!. Waxaynu leenahay tolnimada sidaa hadey kuu gubeyso hada dhib badan inaguma haysid balse walwal waxaa nagu hayo adiga beri xil bulsha waynta ka dhaxeeya marka laguu dhiibo sida aad wax umaamuli doontid iyo habka aad ula dhaqmi doontid dadka kaa aragti duwan. Magaranayo macnaha ay ii sameenayso nin shalay yimid berina tegayo ileen xilku waa wareegtee dhaxal Aabe uma lahanee sababta aan qalad iyo saxba aan ugu taageerayo. Mid walba oo kacawdana aan isugu daya...