Biyaha Aan Dhanaanayn (Wabiyada)
Wabiga Niil (NILE RIVER)
Waa mid kamid ah wabiyada ugu muhiimsan ee mara Waqooyi Bari Afrika. Waxa uu leeyahay dhirir ah 6650-KM (4,132 Miles).
Waxaa uu maraa kow iyo Toban dal oo kala ah Tanzaaniya, Yugandha, Ruwandha, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Koongo, Burundi, Kiinya, Itoobiya, Erateriya, Masar, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed.
Waxa uu uqaybsamaa laba qaybood oo kala ah Niilka buluugga ah iyo Niilka cad.
Goobta asalka ah ee uu kasoo bilawdo Niilka cad waxa weeye Harta wayn ee loo yaqaan Leeg Fiktooriya (Lake Victoria). Haradani waxay kutaalaa bartamaha Afrika, xuduud ahaana geesaha waxaa uga geedaaman wadamada kala ah Yugandha, Tansaaniya iyo Kiinya. Niilka cad waxa uu usii gudbaa Koonfurta Suudaan.
Niilka buluugga ah wuxuu kasoo bilowdaa Harada ugu wayn Itoobiya oo ah Lake Tana deetana waxa uusoo gaaraa Suudaan.
Waxa ay labada wabi ku kulmaan meel udhow Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum halkaas ayeyna ku qaataan magaca caanka ah ee wabiga Niil.
Wabiga Niil waxa uu kudhamaadaa oo uu biyahiisa kudaraa Bada dhexe (Medetrenian Sea).
Wabiga Amasoon ( Amazon River)
Waa wabiga labaad ee dunida ugu dheer waxaa uu jaraa masaafo dhan 6400-KM (3,976 Miles). Waxa uu ka bilowdaa wabigani waqooyiga Ameerika waxa uuna ku dhamaadaa oo uu kudaraa biyahiisa badweynta Atlaantikada (Atlantic Ocean).
Wabiga Yaangasii ( Yangtze River)
Wabigani magaca sare ee aan xusnay buu ku caanyahay waxa kale oo looyaqaan Chang Jiang oo la macno ah wabiga dheer (Chang = Long, Jiang=River). Wuxuuna gaaraa dhirirkiisu 6,418 Kilometers.
Waxa uu kuyaalaa Bariga Eeshiya (East Asia) gaar ahaan dal waynaha Shiinaha. Waana wabiga saddexaad ee dunida ugu dheer marka laga yimaado Niil iyo Amasoon.
Wuxuuna noqonayaa wabiga koowaad ee dunida oo socda masaafada ugu dheer hal dal gudihiisa.
Wabiyada Soomaaliya
Soomaaliya waxuu Alle ku maneestay laba wabi oo mara inbadan oo kamid ah gobolada Koonfureed ee dalka waxayna kalayihiin Wabiga Jubba iyo Wabiga Shabeelle.
Labadaan wabi baa tiir dhexaad u ah wax soosaarka beeraha soomaaliya.
Wabiga Jubba
Wabigani wuxuu maraa koonfurta hoose ee dalka wuxuuna kasoo bilowdaa xadka Soomaaliya ay kalawadaagto Dowlada Itoobiya gaar ahaan meesha ay isaga daraan wabiyada Daawo iyo Ganaane.
Halka uu dhaco wabigaan Jubba ayaa la rumaysanyahay inay tahay dhulka ugu carasan dalka soomaaliya wuxuu socdaa masaafo dhan 624mile.
Wabiga Jubba waxa uu maraa deegaano badan oo katirsan Maamul Goboleedka Jubbaland.
Magaalooyinka uu maro wabiga Jubba waxaa kamid ah:- Doolow, Luuq, Buurdhuubo, Baardheere, Jilib, Jamaame iyo magaalooyin kale oo badan.
Wabigani wuxuu ku dhamaadaa oo uu badda kaga daraa biyihiisa meel layiraahdo Goobweyn oo 15km ujirto magaala xeebeedka qadiimiga ah aadkana muhiimka u ah ee Kismaayo oo haatan ah caasimada kumeel gaarka ee maamulka Jubbaland.
Wabiga Shabeelle
Waa wabiga ugu dheer dalka waxa uu jaraa masaafo dhirirkeedu lagu qiyaaso ilaa iyo 702mile.
Waxa uu kasoo askumaa ama uu kasoo biloowdaa dhulka buuralayda Itoobiya, wuxuuna dalka kasoo galaa Gobolka Hiiraan.
Wabigani wuxuu maraa magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin caasimada gobolka Hiiraan (Baladwayne), Afgooye, Jowhar, Buuloburde, Qoryooleey iyo IKK.
Wabiyadani marka laga yimaado doorka iyo kaalinta ay kaga jiraan wax soosaarka Soomaaliya ayaa hadana marar badan marka ay biyaha wabiga gargaarada (Riverbanks) jabiyaan waxay sababaan waxyeelo aad udaran oo duunyo iyo dadba saameysa.
Arintani waxay kamid tahay musiibooyinka Soomaalida haysta oo marna biyo badni baa dad iyo duunyaba baabi'isa marna biyo la'aan awgeed bay noolayaal badani nafta uwaayaan qaarna deegaanadooda uga barakacaan.
Labadan arin ee lidiga isku ah baa labadii sanaba mar ama kayar inala soo gudboonaada iyadoo laba jeerba saameyn xoogan ay mid waliba inagu reebto.
Waa wax lalayaabo runtii in biyo la'aani udhamaadaan dadkeena iyo xoolaheena iyada oo uusan wadankeenu ahayn dal biyaha faqri ka ah waayo biyuhu way inooyimaadaan oo dad iyo duunyo ayey inaga baabi'iyaan ama badday kudarmaan.
Dunida waxaa kajira
musiibooyin aad utira badan oo isugu jiro kuwa dabiici ah (Natural disasters)
iyo kuwa binu'aadamka sameeyeen (Humanmade disasters).Soomaaliya waxuu Alle ku maneestay laba wabi oo mara inbadan oo kamid ah gobolada Koonfureed ee dalka waxayna kalayihiin Wabiga Jubba iyo Wabiga Shabeelle.
Labadaan wabi baa tiir dhexaad u ah wax soosaarka beeraha soomaaliya.
Wabiga Jubba
Wabigani wuxuu maraa koonfurta hoose ee dalka wuxuuna kasoo bilowdaa xadka Soomaaliya ay kalawadaagto Dowlada Itoobiya gaar ahaan meesha ay isaga daraan wabiyada Daawo iyo Ganaane.
Halka uu dhaco wabigaan Jubba ayaa la rumaysanyahay inay tahay dhulka ugu carasan dalka soomaaliya wuxuu socdaa masaafo dhan 624mile.
Wabiga Jubba waxa uu maraa deegaano badan oo katirsan Maamul Goboleedka Jubbaland.
Magaalooyinka uu maro wabiga Jubba waxaa kamid ah:- Doolow, Luuq, Buurdhuubo, Baardheere, Jilib, Jamaame iyo magaalooyin kale oo badan.
Wabigani wuxuu ku dhamaadaa oo uu badda kaga daraa biyihiisa meel layiraahdo Goobweyn oo 15km ujirto magaala xeebeedka qadiimiga ah aadkana muhiimka u ah ee Kismaayo oo haatan ah caasimada kumeel gaarka ee maamulka Jubbaland.
Wabiga Shabeelle
Waa wabiga ugu dheer dalka waxa uu jaraa masaafo dhirirkeedu lagu qiyaaso ilaa iyo 702mile.
Waxa uu kasoo askumaa ama uu kasoo biloowdaa dhulka buuralayda Itoobiya, wuxuuna dalka kasoo galaa Gobolka Hiiraan.
Wabigani wuxuu maraa magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin caasimada gobolka Hiiraan (Baladwayne), Afgooye, Jowhar, Buuloburde, Qoryooleey iyo IKK.
Wabiyadani marka laga yimaado doorka iyo kaalinta ay kaga jiraan wax soosaarka Soomaaliya ayaa hadana marar badan marka ay biyaha wabiga gargaarada (Riverbanks) jabiyaan waxay sababaan waxyeelo aad udaran oo duunyo iyo dadba saameysa.
Arintani waxay kamid tahay musiibooyinka Soomaalida haysta oo marna biyo badni baa dad iyo duunyaba baabi'isa marna biyo la'aan awgeed bay noolayaal badani nafta uwaayaan qaarna deegaanadooda uga barakacaan.
Labadan arin ee lidiga isku ah baa labadii sanaba mar ama kayar inala soo gudboonaada iyadoo laba jeerba saameyn xoogan ay mid waliba inagu reebto.
Waa wax lalayaabo runtii in biyo la'aani udhamaadaan dadkeena iyo xoolaheena iyada oo uusan wadankeenu ahayn dal biyaha faqri ka ah waayo biyuhu way inooyimaadaan oo dad iyo duunyo ayey inaga baabi'iyaan ama badday kudarmaan.
Dalal badan baa kuguuleestay maareenta musiibooyinkaas.
Inagu waxa ina haysta ma ahan runtii wax la maarayni waayo, waa mushkilo lala macaamilo karo oo laga hortagi karo in ay dhacaan laakiinse aaway maskaxdii aqoonta usaaxiibka ahayd iyo garaadkii fayoobaa ee arimahaa iska kaashani lahaa?
Waxaad moodaaba in aynaan usoojeedin oo xaqiiqo jirta oo inahaysata iska indhatirayno, mar ma aha oo waa marar badan waxa ay sidani inagu dhacayso inagoon udiyaar garoobin.
Sanad walibana mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo aan waxba laga qaban karin baan ku baraarugnaa.
Xigasho:
earthnworld.com
W.Q:- C/Kariim Geelle Faarax Shakat
Comments
Post a Comment