Garab-Daaq
Dambiga ugu qotada dheer ee maskaxda aadanaha laga galo waa aaminaadda wax aan caddayn loohayn.
Shan iyo Labaatan jirka aqoonyahanka ah oo ka gubanaya in la dhaliilo masuul xil hogaamineed haya Federal ama mid Maamul Goboleed kuu doona ha noqdee isaga oo aan wax qiil ama ceeb deddo u hayn rabana in uu afka qabto cid waliboo hadasha, wax lala yaabo weeyaan.
Waxaase amakaag ah in uusan ahayn nin ay shaqo wadaag yihiin oo ay dhaliishu kuwada dhaceyso balse ay hal reer kasoo wada jeedaan!.
Qabyaaladu un ay heerkaa gaarsiisay!.
Waxaynu leenahay tolnimada sidaa hadey kuu gubeyso hada dhib badan inaguma haysid balse walwal waxaa nagu hayo adiga beri xil bulsha waynta ka dhaxeeya marka laguu dhiibo sida aad wax umaamuli doontid iyo habka aad ula dhaqmi doontid dadka kaa aragti duwan.
Magaranayo macnaha ay ii sameenayso nin shalay yimid berina tegayo ileen
xilku waa wareegtee dhaxal Aabe uma lahanee sababta aan qalad iyo saxba aan ugu taageerayo.
Mid walba oo kacawdana aan isugu dayayo inaan afka gacanta kasaaro xuquuqdiisana kabaha kula tunto.

Xaqiiqo jirto ayaad ka hadashay oo dadka qarkii aysan fahmayn walaal inbadan mahadsanid
ReplyDeleteThis comment has been removed by a blog administrator.
ReplyDelete