𝐌𝐚 𝐬𝐮𝐮𝐫𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐛𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐡𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢-𝐰𝐚𝐲𝐧 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐭𝐨?
Ingiriiska markii uu ka carooday diidmadii ay Soomaalidu diiday wuxuu ku aarsaday inuu dhulka Soomaalida qaybiyo oo waatan uu 𝑯𝒂𝒘𝒅 ku daray Itoobiya, 𝑵𝑭𝑫-na uu siiyey Kenya.
Dhawaaq Murugo culus sitay baa 5-tii Jeeniweri 1955-kii ayey Dawladda Ingiriiska magaalada 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 kaga dhawaaqday war murugo leh, Kuna saabsanaa heshiis (Agreement) ay bishii Noofambar 1954-kii la gashay Dawladda 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 oo ay ku wareejinayso dhulka 𝑯𝒂𝒘𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑹𝒆𝒔𝒆𝒓𝒗𝒆𝒅 𝑨𝒓𝒆𝒂𝒔 laga bilaabo 28-kii Feebuweri 1955-kii.
Dowladda Ingiriiska waxay heshiiskaasi u cuskatay mucaahado labada Dawladood dhexmartay (Ingiriiska iyo Itoobiya) dabayaaqadii Qarnigii 19aad (1897-kii).
Qarnigii 19aad dabayaaqadiisii, Dawladda Ingiriiska waxay Qabaa'ilka 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 la gashay heshiisyo ay ku balanqaadayso in ay ilaaliso iyaga iyo deegaanadoodaba laakiinse Dowladda Ingiriiska heshiisyadaas waa ay ku balan-furtay.
𝐖𝐞𝐟𝐝𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐋𝐨𝐧𝐝𝐨𝐧, 𝐍𝐞𝐰𝐲𝐨𝐫𝐤 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬-𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚
Dhawaaqa muragada lahaa ee kasoo yeeray 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 oo Soomaalida ku riday jaah-wareer iyo amakaag sababayna inay dhacaan muddahaaraadyo ballaaran ayaa ugu dambeyntii waxaa la go'aamiyay in Dowladda Ingiriiska loo diro wefdi ka codsada in ay ballan-furkaas ka noqoto.
Wefdi ay ka mid ahaayeen Salaadiinta beelaha 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 iyo Xubno kale oo reer waqooyi ah baa u amba-baxay 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏, Markii uu wefdigaasi gaaray 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 wuxuu qabsaday Qareenno ( Lawyers) ingiriis ah, Dood ba'an oo cirka isku shareertay ayaa arrintii uu wefdigu la socday ka aloosatay. Waxay dooddaa socotaba ugu dambayn wefdigii gacmo maran ayuu 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 kala soo noqday.
Mar labaad baa waxaa la go'aansaday in uu wefdigii u safro magaalada 𝑵𝒆𝒘𝒚𝒐𝒓𝒌, si arrintaa loo geeyo Qarammada Midoobay laakiinse nasiib xumo Qarammada Midoobana waa lagu soo hungoobay.
𝐐𝐮𝐮𝐫𝐬𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐐𝐮𝐰𝐚𝐝𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐢𝐫𝐬𝐢-𝐛𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐗𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝𝐚
Abriil 1960-kii, Wefdi uu hoggaaminayay 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑪𝒊𝒈𝒂𝒂𝒍 oo ka koobnaa isaga iyo saddex Wasiir oo kala ahaa: 𝑪𝒂𝒍𝒊 𝑮𝒂𝒓𝒂𝒂𝒅 𝑱𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄, 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑫𝒖𝒄𝒂𝒂𝒍𝒆 iyo 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑵𝒖𝒖𝒓 ayaa 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 tegay.
Wefdigu waxa uu u socday in uu Dowladda Ingiriiska ka codsado madax-banaanida 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 kahor 1-da July 1960-kii si taariikhdaas 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 ay ula midowdo 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂.
5-tii Meey 1960-kii, ayaa shir laba-geesood ah lagu qabtay xafiiska Wasiirkii Mustacmaradda 𝑴𝒓 𝑰𝒂𝒏 𝑴𝒂𝒄𝑳𝒆𝒐𝒅, waxaana lagu heshiiyey madax banaannida 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅, sida dalabka wefdiga uu ahaa baana loo aqbalay.
𝑯𝒂𝒓𝒍𝒐𝒅 𝑴𝒄𝒎𝒊𝒍𝒂𝒏 ra'iisal Wasaarihii Ingiriiska ayaa Baarlamaankii Ingiriiska hortiisa ka sheegay in Wefdi 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 ka yimid 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 Joogo iyo waxa uu Wefdiga ka codsaday Dowlada Ingiriiska.
Waxaa kale oo uu yiri isagoo Baarlamaanka la hadlayo " Innagu haddii aynu Ingiriis nahay arinkaa waxba kama qabno laakiin mabda'a Soomaali-wayn ma taageerayno.
Intaa markay dhacday oo Ingiriiskuna cadeeyay aragtida uu Soomaali-wayn ka qabo ayaa isla bishaa Meey 19-keedii 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑪𝒊𝒈𝒂𝒂𝒍, saddexdiiisii wasiir iyo 𝑫𝒂𝒏𝒋𝒊𝒓𝒆 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑨𝒂𝒅𝒂𝒏 (𝑸𝒂𝒚𝒃𝒆) oo xoghayn ahaan ula socda ayaa u ambo-baxay 𝑨𝒅𝒅𝒊𝒔-𝑨𝒃𝒂𝒃𝒂, caasimada 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂.
Ujeedada safarkaas waxay ahayd in Boqor 𝑯𝒂𝒊𝒍𝒆 𝑺𝒂𝒍𝒂𝒔𝒔𝒊𝒆 laga codsado soo-celinta dhulkii 𝑯𝒂𝒘𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑹𝒆𝒔𝒆𝒓𝒗𝒆𝒅 𝑨𝒓𝒆𝒂𝒔 ahaa.
Boqorka Qasrigiisii ayuu wefdigii ku qaabilay oo uu kula kulmay isagoo garabkiisa ay fadhiyaan dhowr wasiir uu ka mid ahaa Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha oo uu Soddoga u ahaa.
Soo dhaweyntii uu Boqorka wefdiga soo dhawayeeyay kadib, waxaa hadalkii qaatay 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑪𝒊𝒈𝒂𝒂𝒍 wuxuuna hadalkiisii ku furay ammaan ballaaran oo uu Boqorka ammaanay, Wuxuuna Isla markaa Boqorka ka codsaday in uu indho naxariis leh ku eego baahida ay qabaa'ilka 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 u qabaan 𝑯𝒂𝒘𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑹𝒆𝒔𝒆𝒓𝒗𝒆𝒅 𝑨𝒓𝒆𝒂𝒔.
Saddexdii wasiir ee kalana hadalkii ayey iskadaba qaateen iyagoo codkooda ku biirinaya hadalladii 𝑪𝒊𝒈𝒂𝒂𝒍.
Dhinaca 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 Boqorka oo keliya ayaa u hadlay, Wuxuuna yiri, " Soomaalidu waa Qowmiyad Itoobiya ka mid ah laakiin uu isticmaarka duufsaday, tusaale ahaan Xoghayihiina, isaga oo farta ku fiiqaya 𝑫𝒂𝒏𝒋𝒊𝒓𝒆 𝑸𝒂𝒚𝒃𝒆, hadii galabta uu 𝑨𝒅𝒅𝒊𝒔-𝑨𝒃𝒂𝒃𝒂 dhex-lugeeyo lagama garan karo dadka Itoobiyaanka ah.
Boqorkii isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu xusay oo uu halyeeyadii 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 ku sheegay 𝑺𝒂𝒚𝒊𝒅 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑪𝒂𝒃𝒅𝒊𝒍𝒆 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏, 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑺𝒂𝒎𝒂𝒕𝒂𝒓 iyo 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒓𝒂𝒙 𝑿𝒂𝒚𝒅.
Wuxuu Boqorka intaa raaciyey 𝑯𝒂𝒘𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑹𝒆𝒔𝒆𝒓𝒗𝒆𝒅 𝑨𝒓𝒆𝒂𝒔 idinka iyo xoolihiinnuba waa ku noolaan kartaan, oo hashiina illaa iyo 𝑨𝒅𝒅𝒊𝒔-𝑨𝒃𝒂𝒃𝒂 ayay daaqi kartaa, waase Dal 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 ka mid ah, gorgortana kama furna.
Boqor 𝑯𝒂𝒊𝒍𝒆 𝑺𝒂𝒍𝒂𝒔𝒔𝒊𝒆 wuxuu sidoo kale ka hadlay 𝑬𝒓𝒊𝒕𝒓𝒆𝒂 oo ay Dowladda Talyaanigu gumaysan jirtay, balse 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 la midowday 1952-kii.
Wuxuu ku dheeraaday mashaariicdii uu ka fuliyay isaga oo farta ku fiiqaya khariidada 𝑬𝒓𝒊𝒕𝒓𝒆𝒂 oo gidaarka xafiiskiisa surneed.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Boqorka wuxuu soo jeediyey in marka hore 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 iyo 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 Midoobaan, dabadeedna ay 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 wada raadiyaan. Marka uu hadalkii dhammeeyey wasiiradii Somaliland baa qaatay waxayna markale ku celiyeen hadalkoodi hore.
Halkaa markii la Isla marayey ayuu Boqorka soo jeediyey oo uu yiri odayaal qabiil hebel ah (Waa mid kamid ah qabaa'ilka ugu tunka wayn ee degan dhulka ay 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 haysato) baa isugaya ee inta aan la kulmayo soo nasta oo sharaab soo caba, haseyeeshee nasashadii kadib in uu wada-hadalkii dhamaaday baa lagu wargeliyey wefdigii, waxaana lagu soo celiyey Hotel-kii ay degenaayeen.
𝑻𝒉𝒆 𝑬𝒕𝒉𝒊𝒐𝒑𝒊𝒂𝒏 𝑯𝒆𝒓𝒂𝒍𝒅 oo ah wargays Dawladda 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 leedahay Afka Ingiriiskana ku baxa oo illaa iyo hada shaqeeya ayaa subixii dambe daabacay war kooban oo sheegaya imaanshaha masuuliyiinta 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 ka socda.
Warkaas koobnaa waxaa ku ag-daabacnaa arji dheer oo loo nisbeeyay odayaal ah qabiilka aan kor kusoo xusnay, kuwaas oo Boqorka ka codsaday in uu dadkooda iyo dalkoodaba ka badbaadiyo nimanka hororka ah ee 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 ka soo duulay.
Dhacdadaasi waxay ahayd arrin laga sii shaqeeyay kahor inta aannu imaan wefdiga Somaliland ka socday waayo maalintii uu wefdigaas 𝑨𝒅𝒅𝒊𝒔-𝑨𝒃𝒂𝒃𝒂 gaaray waxaa u yimid nin waqtigaa ka shaqaynayey 𝑻𝒉𝒆 𝑺𝒕𝒂𝒕𝒆 𝑩𝒂𝒏𝒌 𝒐𝒇 𝑬𝒕𝒉𝒊𝒐𝒑𝒊𝒂 oo isugu sheegay wefdiga in odayaasha qabiilka aan xusnay soo direen si uu ugu wargeliyo inay jiraan odayaal Addis-Ababa xoog lagu keenay si ay u jaa'ifeeyaan arrintii ay wufuuda Somaliland ka socotay u yimaadeen.
𝐁𝐫𝐢𝐭𝐚𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐮𝐝𝐚𝐲𝐠𝐞𝐞𝐝𝐢 𝐐𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐒𝐢𝐱𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚
Waxaa xusid mudan in Dowladdii Britain ee waqtigaas jirtay isku dayday in ay 𝑯𝒂𝒘𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝑹𝒆𝒔𝒆𝒓𝒗𝒆𝒅 𝑨𝒓𝒆𝒂𝒔 la soo celiyo iyadoo 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 ugu baddalaysa Dekedda 𝑺𝒆𝒚𝒍𝒂𝒄 ee gobolka 𝑨𝒘𝒅𝒂𝒍.
Ma garanayo cidda talada caynkaa ah ay ka soo maaxatay iyo sababta uu iskudayga Dawladdaas xoogga wayn uu u dhaqan geli waayey.
Inkastoo aan iskudayey oo aan baadigoobay hadana wali ma helin Qoraal dhamaystiran oo arrintaa ka hadlaya marka laga reebo qorma yar oo dhowr sadar ah oo uu 𝑫𝒂𝒏𝒋𝒊𝒓𝒆 𝑸𝒂𝒚𝒃𝒆 ku xusay buuggiisa xasuus qorka ah iyo muuqaal yar oo mar aan fogayn laga duubay 𝑪𝒂𝒃𝒅𝒊𝒒𝒂𝒂𝒅𝒊𝒓 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑱𝒊𝒓𝒅𝒆 oo ah Xildhibaan katirsan Golaha Wakiillada 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅 marna soo noqday Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golahaas, ayaa isaguna arrinkaa carabka ku dhuftay mar uu ka hadlayey Taariikhda iyo Himilooyinka 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 ee ku wajahan Soomaalida, si guud.
𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐢𝐢 𝐍𝐅𝐃 𝐈𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐢𝐝𝐦𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐚
North Front District (NFD), Waa Gobol kamid ah dhulka Soomaalida laakiinse uu Guumaystahii ku daray 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂.
Waxa uu ka koobanyahay Lix magaalo oo kala ah: Marsabit, Isiolo, Wajeer, Mandheera, Gaarisa iyo Mooyaale oo hadda laga gooyey Gobolkaas.
Dowladihii rayidka ahaa ee dalka soomaray iyo tii Millitarigii ahayd, waxay dhamaantood ka sinnaayeen baadi goobka ay ugu jireen himmiladii wayneed oo ay soomaalidu ka wada sinnaayeen ee ahayd Soomaali-wayn (𝑮𝒓𝒆𝒂𝒕𝒆𝒓 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒂).
Xornimadii markii la qaatay oo ay Koonfur iyo Waqooyi midoobeen, shacabka qalbiyadooda waxaa ku wada taagnaa oo ay u wada hanqal-taagayeen dhalashada Soomaali-wayn.
Dowladdii rayidka ee curdunka ahayd, waxay dedaal xooggan ku bixinaysay oo ay ku doodaysay 𝑵𝑭𝑫 in lagu soo daro Soomaaliya inta ay Kenya Xornimada qaadan.
Waqtigaas waxaa muuqatay in Wasiirkii Mustacmaradda Reginald Maudling uu taageersanaa in N.F.D la midowdo 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂.
Shir lagu qabtay 𝑳𝒂𝒏𝒄𝒂𝒔𝒕𝒆𝒓 𝑯𝒐𝒖𝒔𝒆 uu ku yaala Galbeedka Magaalada 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏 oo lagaga hadlayey madax-banaanida 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂 ayaa 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 loo ogolaaday in ay wefdi u dirsato.
Wefdigii Dawladda Soomaaliya ay dirsatay farxad bay kala soo noqdeen London waayo Shirkaas waxaa lagu go'aamiyay laba arrimood oo kala ah:
1: In ay Kenya Ingiriiska xorriyad ka qaadato 12-ka Diseembar 1962-ka.
2: In shacbiga NFD afti laga qaado.
Waxay Dowladda Ingriiska usoo dirtay Gobolkaas wefdi xaqiiqo raadin ah oo wada maray dhammaan magaalooyinka Gobolkaas.
Natiijada aftidu waxay noqotay in 87% ay doorteen in ay la midoobaan Soomaaliya.
Nasiib-darro inta aan natiijadaas la fulin ayaa wasiirkii Mustacmaradda la baddelay.
Wasiirkii cusbaana wuxuu iska indhatiray natiijadii.
Dowladdiina waxay ka cagajiiday oo ay la daahday in ay report-kii soo saarto.
Dowladdii 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 wefdi ayey u dirtay 𝑳𝒐𝒏𝒅𝒐𝒏, waxayna la kulmeen Wasaaraddii qaabilsaneed arrimihii guumaysiga.
Waxay dowladdii Ingiriiska Cahdi ku siiyeen wefdigii in si degdeg ah Dawladda Ingiriiska go'aan ugaari doonto, go'aankana ay ku gaari doonaan shir Dowlada Soomaaliya iyo iyaga dhexmari doona oo ka dhici doona magaalada 𝑹𝒐𝒎𝒂 ee dalka Talyaaniga.
Wasiirkii Arrimaha Bulshada ( Caafimaadka iyo Shaqaalaha) ee 𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑪𝒂𝒍𝒊 𝑱𝒊𝒎𝒄𝒂𝒂𝒍𝒆 iyo 𝑫𝒂𝒏𝒋𝒊𝒓𝒆 𝑸𝒂𝒚𝒃𝒆 oo 𝑵𝒂𝒊𝒓𝒐𝒃𝒊 joogay ayaa Beertiisa ku booqday 𝑱𝒐𝒎𝒐 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂𝒕𝒕𝒂 oo xabsiga laga soo daayey.
Sheekh Cali Jimcaale ayaa ku yiri Jooma Kenyatta 𝑵𝑭𝑫 waa dal Soomaaliyeed oo Ingiriisku 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂 ku daray ee noo ogolaada in ay 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 soo raacdo.
𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂𝒕𝒕𝒂 wuxuu Wasiirka ugu jawaabay "NFD waa dal Kenya ka mid ah mana oggolin in ay go'do. Wuxuu intaa ku daray 𝑱𝒖𝒃𝒃𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒐𝒔𝒆 waxay ahaan jirtay dhul Kenya ka tirsan oo dagaalkii 1aad ee Dunida dawladdii Ingiriiska abaal-marin u siisay Dawladda Talyaaniga oo ay xulufo ahaayeen.
Hadalkiisa wuxuu kusoo gunaanaday, Annagu haatan ku doodi mayno in Soomaaliya noo soo celiso, idinkuna NFD iska daaya.
Intaasoo dhacdo kadib Xukuumaddii 𝑪𝒂𝒃𝒅𝒊𝒓𝒂𝒔𝒉𝒊𝒊𝒅 𝑪𝒂𝒍𝒊 𝑺𝒉𝒂𝒓𝒎𝒂𝒂𝒌𝒆 ayaa 𝑱𝒐𝒎𝒐 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂𝒕𝒕𝒂 𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐 ku marti-qaadday si arrinta NFD looga wada-hadlo.
Jooma Kenyatta hadalkiisii hore ee uu Danjirahii iyo Wasiirkii ku yiri waxba kama uu baddelin. Sidaa oo kale Xukuumadii Sharmaake waxay marti-qaadday 𝑴𝒓 𝑵𝒈𝒂𝒍𝒂 oo ahaa hoggaamiyihii Xisbiga mucaaradka ee Kenya. Isaguna wuxuu ku adkaystay in ay NFD tahay dal Kenya ka mid ah.
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐑𝐨𝐦𝐚
Shirkii u dambeeyay ee Dawladda 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 iyo 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂 ayaa lagu qabtay magaalada 𝑹𝒐𝒎𝒂 bishii Ogos 1963-kii.
Shirkaas waa lagu heshiin waayay aan ka ahayn in wada-hadalka la sii wado.
Waxaa muuqatay in dawladda Ingiriiska doonaysay in arrintaas meel la isla dhigin inta ay wali Kenya xukumayso maadaama ay xornimada Kenya muddo yar ka harsanayd.
1963-kii ayuu Wasiirkii isticmaarka ee Dawladdii Ingiriisku ku dhawaaqay in Gobolka 𝑵𝑭𝑫 uu ka tirsanyahay dalka Kenya, taasina waxa ay keentay in Dawladdii Muqdisho ay xiriirka u jarto Waddanka 𝑩𝒓𝒊𝒕𝒂𝒊𝒏.
Mushkiladdii NFD kuma dhammaanin ka bixiddii Ingiriiska ee Keny, Soomaalidii NFD-na waa ay dagaallameen intii taagtooda ahayd.
Afar sano kadib, sanadkii 1967-kii waxaa 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 ra'iisal wasaare ka noqday 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑪𝒊𝒈𝒂𝒂𝒍, wuxuuna bishii Julaay ee isla sanadkaas Raadiyo Muqdisho ka cadeeyay mowqifka xukuumaddiisa ee ku wajahan dalka maqan.
Wuxuu sheegay in uu haynayo raadkii baadi-goobka ee dhulka maqan, oo si nabad gelyo iyo sifo diblumaasi ah ku baadi-goobayo oo dadkaan jaarka nala ah ee hareeraha inaga xiga in haddii walaalnimo wax looga heli karo iyo wanaag wax looga qaban karo laga doono illaa iyo inta lagala quusanayo
Waxaa magaalada 𝑨𝒓𝒖𝒔𝒉𝒂 ee dalka 𝑻𝒂𝒏𝒛𝒂𝒏𝒊𝒂 lagu qabtay shir uu madaxwaynahii 𝒁𝒂𝒎𝒃𝒊𝒂 𝑲𝒆𝒏𝒏𝒆𝒕𝒉 𝑲𝒂𝒖𝒏𝒅𝒂 ku dhex-dhexaadinayey labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Somaliya waxaa uga qaybagalay raysal wasaarihii xilligaas 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 halka Kenya uu uga qaybgalay madaxwaynahoodi 𝑱𝒐𝒎𝒐 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂𝒕𝒕𝒂.
Natiijo wax ku ool ah kama soo bixin shirkaas.
Waxaa jira dacaayad raqiis ah oo 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒂𝒋𝒊 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑪𝒊𝒈𝒂𝒂𝒍 iyo 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑺𝒊𝒚𝒂𝒂𝒅 𝑩𝒂𝒓𝒓𝒆 laga sameeyay oo ah in Cigaalna shirkii 𝑨𝒓𝒖𝒔𝒉𝒂 dawladda Kenya ugu saxiixay Gobolka NFD, Siyaad Barana dagaalkii 𝑶𝒈𝒂𝒂𝒅𝒆𝒆𝒏𝒊𝒚𝒂 markii lagu soo jabay oo Jabhadii waayadaa abuurmayna ay aad u xoogaysteen in uu 𝑰𝒕𝒐𝒐𝒃𝒊𝒚𝒂 u saxiixay dhulka Somali Galbeed.
Waa sheekooyin mala awaal ah oo sal iyo raad midkoodna lahayn.
𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝
Waayuhu isu ekaa oo hadana kala baddelanaa, dawladuhu waa isla kuwii (Soomaaliya iyo Kenya),
Doodda iyo muranka taagan waa dhanka xuduuddaha.
Innagoo wada og shalay xuduudka la isku haystay in ay ahayd 𝑮𝒂𝒓𝒓𝒊𝒔𝒂 iyo 𝑴𝒐𝒐𝒚𝒂𝒂𝒍𝒆 oo 𝑱𝒐𝒎𝒐 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂𝒕𝒕𝒂 lagu casuumayey Xamar si arrintaa looga wada hadlo baa hadana maanta u joognaa in madaxdeena 𝑵𝒂𝒊𝒓𝒐𝒃𝒊 lagu casuumayo iyadoo xuduud muran ka taaganyahay lagu sheegayaa 𝑹𝒂𝒂𝒔𝒌𝒂𝒂𝒎𝒃𝒐𝒐𝒏𝒊 iyo xeebaheeda.
Nus Qarni kahor Soomaaliya baa wax tabanaysay oo Kenya baa gacan ku gabad ahayd, caawase Kenya baa wax tabanaysa oo jillayso in iyaga wax ka maqanyihiin, ku dadaalaysana dunida sawir caynkaa ah inay tusto.
Dunida maanta aadbay u adagtahay in dal dalkale dhulkiisa looga gooyo oo shuruuc adag oo caalami ah baa arimahaa dunida uga yaal.
Innagoo taa ka duulayna soo arrin adag iyo waxaan suuragal ahayn maaha in Soomaaliya hesho dhulka gumaystaha uu dalalka jaarka ah ka siiyey?
Haa, waa arrin adag laakiinse maantay adagtahay miyaynu uga haraynaa?
Waa may, waxaa hubaal ah markay ahaataba xaalku in uu wax iska badeli doono, dunidana shuruuc waliba oo u degsanna waxbayahay bay agtaada ka yihiin hadii aad quwad muuqata tahay, tusaalana waxaa inooga filan waxa 𝑹𝒖𝒔𝒔𝒊𝒂 ay shalay 𝑼𝒌𝒓𝒂𝒊𝒏𝒆 ka samaynaysay sidoo kale uu 𝑴𝒂𝒓𝒆𝒆𝒌𝒂𝒏 ka sameeyay 𝑪𝒊𝒓𝒂𝒂𝒒.
Dunida, dal danihiisa iyo masaaliixdiisa gaarka ah wuxuu u arko sharci ka hor istaagi kara majiro, kamana baaqsadaan dawladaha intooda badan sammaynta arrintaa illaa ay ka baqayaan waynta awood ay ku maareeyaan falkaa waxa ka dhasha.
Sidan baan hada ka badin la'nahay oo waqtiga iyo tabartayadu ina baday ee aynu tanaasulno marnaba mustaqbalka kumanaanka jiil ee innaga dambeeya kuma go'aamin karno.
Xalku wuu iman, waase kala horreeyaa, dooddaan waqtigeeda maanta ma ahan.
𝑿𝒂𝒎𝒂𝒓 oo xaalkeedu deganyahay, siyaasadda 𝑯𝒂𝒓𝒈𝒂𝒚𝒔𝒂 taallana tan maanta jirta ay ka baddelantahay Alle ha ina gaarsiiyo.
Marka ay arrintu sidaa isugu aaddo cajaladu 180 degree bay xaggii 60-kii inay u wareegto, ayuu markale hammigii Soomaali-wayn ahaa dib u curan!
𝐗𝐢𝐠𝐚𝐬𝐡𝐨:-
- 𝐵𝐵𝐶 𝑆𝑜𝑚𝑎𝑙𝑖 𝑁𝑒𝑤𝑠
- 𝐵𝑢𝑢𝑔𝑎 𝐷𝑎𝑛𝑗𝑖𝑟𝑒 𝐴𝑥𝑚𝑒𝑑 𝑀𝑎𝑥𝑎𝑚𝑒𝑑 𝐴𝑎𝑑𝑎𝑛 (𝑄𝑎𝑦𝑏𝑒)
- 𝐴𝑥𝑚𝑒𝑑 𝑂𝑜𝑔𝑙𝑒 (𝑋𝑢𝑏𝑖𝑛 𝑘𝑎 𝑚𝑖𝑑 𝑎ℎ ℎ𝑜𝑔𝑎𝑎𝑛𝑘𝑖𝑖 𝐺𝑜𝑏𝑜𝑙𝑘𝑎 𝑁𝐹𝐷)
𝑸𝒂𝒍𝒊𝒏𝒌𝒊𝒊:- C/Kariim Geelle
Waa qormo tariikh ah oo aad u tafatiran.
ReplyDeleteMaanta wax badan kama qaban karno arimahan balse waxaan kaydin karnaa taariikh ay jiilasha soo socda wax ku qiimeeyaan waxna ku dhisaan haday dhacdo mar un inay awood yeeshaan.
Mahadsnid saaxiib. Hadaa buuga danjire qaybe BDF ku haysana ilaso wadaag saaxiib.
Sidaa weeye sxb, May ugaas mahayo.
DeleteGulyso zxb wa qormo aad uwngsn
ReplyDelete